13 CONVOCATION CEREMONY 2018-2019

2019-12-01T10:04:29+00:00

Boqolaal arday ka aflaxday Jaamacadda Benaadir oo shahaadooyin la gudoonsiiyey Munaasabad ballaaran oo shahaadooyin lagu gudoonsiinayey boqolaal arday oo ka qelin jebiyay 10 ka mid ah 11 kuliyadood ee ay ka kooban tahay Jaamacadda Benaadir ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho. Xafladan oo si weyn loo soo qaban-qaabiyey ayaa waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin, Wasiiro iyo xildhibaano ka kala tirsan goleyaasha Xukuumada iyo Baarlamanka Somalia, Madaxda Jaamacadaha kale qaarkood qeybaha kala duwan bulshada, fanaaniin, waalidiin, arday, wakiilo ka socday Shirkadaha iyo bankiyada dalka, Maamulka Jaamacada Benadir oo aan u kala harin iyo marti sharaf kale. Intii ay munaasabadu socotay ayaa koox fanaaniin [...]