Waxaa Maanta oo Isniin ah Taariikhduna ku beegantahay 30-8-2021 dib loo furay Maktabadda Dr. Kulmiye ee ku yaala Kambaska Dr. Shahiid ee Jaamacadda Benadir. Maktabadaas oo ballaarin lagu sameeyay ayaa furitaabkeeda waxaa Xarigga kajaray Gudoomiyaha Jaamacadda Benadir Dr. Moahmed Mohamud Hassan (Dr. Bidey) iyagoo ay goob joog ka ahaayeen Xubnaha Golaha Tacliinta. Read More
Difaacashada buuga qalin jibinta dufcada 15 aad ee Kulliyadda Culuumta Kombuyutarka iyo xogta Teknolojiyada ayaa maanta lagu qabtay hoolka Prof. Addow. Sido kale waxaa kasoo qeyb galay Maamulka Kulliyadda, Maclimiinta iyo waalidiinta. Ardayda ayaa soo bandhigay mashaariic baahi badan ay uqabto bulshada Soomaaliyeed ayaga oo siqurux badan ku difaacday mashaariicdooda iyo buugga qalin jibinta. ...Read More
Gudoomiyaha Jaamacadda Benadir ayaa ka qeyb galay xafladda lagu daah furaayo Kulliyadda cusub ee Culuumta Badda iyo Kheyraadka, ayada oo ey kasoo qeyb galeen dhamman golaha tacliinta sare ee Jaamacadda Benadir iyo madax ka socotay Mu’asasada Jaamacadda Benadir.Read More
Ardayda kulliyadda Injineeriyada qeybaheeda kala duwan, (Civil Engineering iyo Electrical Electronic Engineering) dufcadda 13aad ee Jaamacadda Benadir ayaa maanta buugooda qalin jabinta ku difaacday hoolka xarunta Prof. Ibrahim Addow. Difaacashada waxaa kasoo qeyb galay xubnaha sare ee kulliyadda injineeriyada. Read More
Recent Comments