Jaamacaddaha Benadir iyo dhigeeda Çankırı Karatekin Üniversitesi ee dalka Turkiga ayaa isla ogolaaday iney kala saxiixdaan heshiis isfaham

Benadir University > Uncategorized > University News > Jaamacaddaha Benadir iyo dhigeeda Çankırı Karatekin Üniversitesi ee dalka Turkiga ayaa isla ogolaaday iney kala saxiixdaan heshiis isfaham

Jaamacaddaha Benadir iyo dhigeeda Çankırı Karatekin Üniversitesi ee dalka Turkiga ayaa isla ogolaaday iney kala saxiixdaan heshiis isfaham oo ka kooban dhowr qodob ka dib wadahadal khadka fogaan arraga ku dhexmaray Mas’uuliyiinta labada Jaamacadood.

Heshiiska ayaa waxaa saldhig u ah iskaashiga iyo wax wada qabsiga labada Jaamacadood ee dhinacyada aqoonta iyo khibradaha dhinaca Waxbarashada.

Qodobada lasku afgartay waxaa ka mid ah in labada Jaamacadood ay isweydaarsadaan ardayda iyo khibradaha la xiriira laamaha cilmiga iyo xoojinta dhaqanka, In labada Guddoomiye ee Jaamacadaha Benadir & Çankırı Karatekin Üniversitesi ay isdhaafsadaan booqashooyin.

Waxaa kale oo masuuliyiinta labada Jaamacadood ay ku heshiiyeen in Jaamacadda Çankırı Karatekin Üniversitesi ay ka caawiso Jaamacada Benadir dhinacyada Waxbarashada heerka labaad (Master) iyo heerka 3aad (Phd) iyadoo xoogga la saarayo Culuunta sayniska iyo Cilmiga Caafimaadka bulshada.

Sidoo kale waxyaabaha la isku afgartay waxaa ka mid ah in labada Jaamacadood ay iskaashi ka sameeyaan dhinaca Cilmi baarista iyo horumarinta.

Masuuliyinta Kulankaas ka qeyb galay waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha Jaamacada Benadir Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Xassan (Biday), Gudoomiye Ku-xigeenka dhinaca Waxbarashada Prof. Khaliif Muuse Warsame, agaasimaha maamulka Maaliyadda Mahad khaliif Dhakane, Madaxa qeybta ICT-da Dr. C/qaadir Xassan Axmed, Hormuudka Kulliyadda Ilkaha iyo Afka Dr. Abdinur, Hormuudka arrimaha ardayda Raage Shahiid, iyo Xiriiriyaha qeybta Daraasaadka sare Cali Aadan Xassan, halka Jaamacada Çankırı Karatekin Üniversitesi ay kulankaas uga qeyb galeen Guddoomiyaha jaamacadaas Prof. Dr. Harun ÇİFTÇİ iyo Masuuliyiin kale, waxaana kulankaas uu ku dhamaaday jawi is afgarad leh.Jaamacaddaha Benadir iyo dhigeeda Çankırı Karatekin Üniversitesi ee dalka Turkiga ayaa isla ogolaaday iney kala saxiixdaan heshiis isfaham oo ka kooban dhowr qodob ka dib wadahadal khadka fogaan arraga ku dhexmaray Mas’uuliyiinta labada Jaamacadood.

Heshiiska ayaa waxaa saldhig u ah iskaashiga iyo wax wada qabsiga labada Jaamacadood ee dhinacyada aqoonta iyo khibradaha dhinaca Waxbarashada.

Qodobada lasku afgartay waxaa ka mid ah in labada Jaamacadood ay isweydaarsadaan ardayda iyo khibradaha la xiriira laamaha cilmiga iyo xoojinta dhaqanka, In labada Guddoomiye ee Jaamacadaha Benadir & Çankırı Karatekin Üniversitesi ay isdhaafsadaan booqashooyin.

Waxaa kale oo masuuliyiinta labada Jaamacadood ay ku heshiiyeen in Jaamacadda Çankırı Karatekin Üniversitesi ay ka caawiso Jaamacada Benadir dhinacyada Waxbarashada heerka labaad (Master) iyo heerka 3aad (Phd) iyadoo xoogga la saarayo Culuunta sayniska iyo Cilmiga Caafimaadka bulshada.

Sidoo kale waxyaabaha la isku afgartay waxaa ka mid ah in labada Jaamacadood ay iskaashi ka sameeyaan dhinaca Cilmi baarista iyo horumarinta.

Masuuliyinta Kulankaas ka qeyb galay waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha Jaamacada Benadir Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Xassan (Biday), Gudoomiye Ku-xigeenka dhinaca Waxbarashada Prof. Khaliif Muuse Warsame, agaasimaha maamulka Maaliyadda Mahad khaliif Dhakane, Agaasimaha qeybta ICT-da Dr. C/qaadir Xassan Axmed, Hormuudka Kuliyadda Afka iyo ilkaha, Hormuudka arrimaha ardayda Raage Shahiid, iyo Xiriiriyaha qeybta Daraasaadka sare Cali Aadan Xassan, halka Jaamacada Çankırı Karatekin Üniversitesi ay kulankaas uga qeyb galeen Guddoomiyaha jaamacadaas Prof. Dr. Harun ÇİFTÇİ iyo Masuuliyiin kale, waxaana kulankaas uu ku dhamaaday jawi is afgarad leh.

 

 

 

 

Leave a Reply

nine − 9 =