Arday ka kala socotay Jaamacadaha Benadir, Muqdisho iyo Ummada ayaa seminaar loogu soo gebagebeeyey Kambaska Prof ibrahim Addow ee Jaamacadda Benadir

Benadir University > Uncategorized > University News > Arday ka kala socotay Jaamacadaha Benadir, Muqdisho iyo Ummada ayaa seminaar loogu soo gebagebeeyey Kambaska Prof ibrahim Addow ee Jaamacadda Benadir

Arday ka kala socotay Jaamacadaha Benadir, Muqdisho iyo Ummada ayaa seminaar loogu soo gebagebeeyey Kambaska Prof ibrahim Addow ee Jaamacadda Benadir kaasoo lagu baranayey Mowduuc cinwaankiisu ahaa (Miraha Nabada iyo dib u hishiisiinta xaaladaha Dagaalada)

Seminaarkan oo socday muddo shan cisho ah ayaa waxaa casharo ka bixinayey Dr. Yusuf Shiikh Omar oo ka tirsan aqoonyahanada Soomaaliyeed.

Waxaa seminaarkan gebagebadiisa ka hadlay Guddoomiyeyaasha sedexda Jaamacadood, Gudoomiyaha Jaamacadda Benadir Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Xassan (Biday), Gudoomiayaha Jaamacadda Muqdisho  Dr. Ibraahim Maxamed Mursal (Ibraahim Dheere) , Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed Mr. Adam Mohamed Guuleed (shabeele) iyo sido kale Gudoomiye Ku-xigeenka Maamulka & Maaliyadda Jaamacadda Benadir Dr. Abdirahman Hassan Omar iyo  Gudoomiyaha Tubta Nabada Mr.Abdulahi Mohamed Shirwac  kuwaasoo dhamaantood ka hadlay muhiimada ay leeyihiin seminarada noocan ah iyo sida loogu baahan yahay in looga faa’iideysto.

Waxaane shahaado Sharaf lagudoonsiyay Dr. Yusuf Sheikh Omar oo bixinaayi seminarka inta uu socday .

Sido kale waxaa Shahaadooyin lagudoonsiyay  aradaydii ka faaideysatay seminaarka inta uu socday.

 

 

 

 

Leave a Reply

five + nine =