Booqashada iskaashiga ee Wafdiga Jaamacadda Banadir iyo Jaamacadda Çankırı Karatekin ee ÇAKÜ

Benadir University > Uncategorized > University News > Booqashada iskaashiga ee Wafdiga Jaamacadda Banadir iyo Jaamacadda Çankırı Karatekin ee ÇAKÜ

Gudoomiyaha Jaamacadda Benadir Prof. Dr. Mohamed Mahamud Hassan (Biday) iyo Xiriiriyaha Dugsiga Takhasuska Mr. Ali Adan Hassan ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Jaamacadda Çankırı Karatekin.

Prof. Dr. Hüsseyin ODABAŞ oo ah Gudoomiye ku xigeenka ÇAKÜ (Vice Rector) ayaa la wadaagay Gudoomiyaha JB in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay maanta soo booqdaan ÇAKÜ.

Prof. Dr. Mohamed Mahmud Hassan (Biday) ayaa ka mahad celiyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay ÇAKÜ ayna aad ugu faraxsan yihiin wada shaqeyntaan xooggan ee ka dhaxeysa labada Jaamacadood.

Gudoomiyaha JB Prof. Dr. Mohamed Mahmud Hassan (Biday) ayaa soo kormeeray lababka kulliyadda Caafimaadka Afka & Ilkaha iyo fasallada ay wax ku dhigtaan Ardada dhigata kulliyaddaan.

Ugu danbeyn Gudoomiyaha JB ayaa gudoonsiiyay Prof. Dr. Hüsseyin ODABAŞ hadiyad uu ugu talagalay Gudoomiyaha ÇAKÜ Prof. Dr. Harun ÇIFTÇI.

Sidoo kale Gudoomiyah JB ayaa la gudoonsiiyay hadiyad looga siday Gudoomiyaha ÇAKÜ.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday mid miro dhal ah.

Leave a Reply

3 × 1 =