FURITAANKA IMTIXAANKA SOO GALITAANKA SANAD DUGSIYEEDKA 2020-2021 EE JAAMACADDA BENADIR
BU2020-10-08T11:20:09+00:00Jaamacadda Benadir ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka bilowday maanta Wejigii koowaad ee imtixaanka ogolaanshaha ama Qubuulka ee Jaamacadaas sanad dugsiyeedka 2020-2021 kaasoo ay u fariisteen sanadkan arday fara badan oo ka soo baxday dugsiyada sare ee dalka. Diiwaan hayaha guud ee Jaamacadda Benaadir Eng. Ismaaciil C/raxmaan Maxamed ayaa sheegay in Jaamacadda ay sanadkan ay iska diiwaan geliyeen arday fara badan oo uu xusay iney soo dalbadeen 12-ka kuliyadood ee ay Jaamacadu ka kooban tahay. “Guud ahaan sanadkan Waxaa Jaamacada iska diiwaan geliyey arday kor u dhaafeysa 2,800 qeybta koowaad ee maanta u fariisatay imtixaanka waa 1,350 arday oo isugu jira [...]