Jaamacadda Karolinski ayadoo la kaashaneysa jaamacado kala duwan sida Makerere (Uganda), Kinshasa School of Public Health (DRC) iyo Jaamacadda Benadir (Somalia) ayay waxay fursad u siineysaa seddexda dalba in ay ka faa’iideytaan Tababar heer sare oo lagu dhisayo kartida (Capacity) kaadiriinta kala duwan ee dalakaas si loo xaqiijiyo ka miro dhallinta higsihha “yoolalka horumarka waara ee 2030” ee loo yaqaan “Sustainable Development Goals (SDGs)”.

Hadab tababarkaas oo socondoona mudo hal sano ah waxaa bixindoona aqoonyahano (professors) leh misaan culus, oo ka kala socda wadamo kala duwan. Inta ay socoto waxbarashaaas waxaa lagu qaadandoonaa seddex cutub (Module) oo kala duwan (sida ku faahfaahsan qeyb luqada English-ka), ayadoo qofkii ku guuleysta dhammeytirka waxbarashadaas lagu abaalmarnimdoono shadaaho caalmi ah.

Waxarashadaa waa lacag la’aan, oo qarashkeeda waxaa bixinaya hayadda SIDA ee Sweden), waxayna ku bixidoontaa habka mareegga (Online), ayadoo usbuucii waa 7-10 saacadood.

Waxbarashadaan waxay diiradda saareysaa masuuliinta ku howlan Adeegga bulshada ee dowladda (Public sector), howlwadeenada hayadaha gaarka loo leeyahay (Private sector), Arrimaha bulshada (Civil society), Jaamacaha iyo isbitaalada.

Tirada loogu talo galay aad ayay u xadidantay oo waa 7 qof wadankiiba.

Qofkasto oo soo dalbanya waxbarashadaan waa in uu kala yimaada ogolaansho wasaaradda ama hayadda uu ka shaqeeyo uuna sameeyaa ballanqaad ah in waxbarashadaas uu sida ugu haboon uga faa’iideysanyo uuna dhammeysnayo tababarka.

Qofkasta oo daneynaya waxbarashaas waxaa uu soo buuxinayaa formka codsiga (Application form) asgoo si toos ah ugu diraya codsigiisa Jaamacadda Karolinski ee Sweden. Codsiyadaas waxaa laga sameyndoonaa liis kooban (short list), waxaana fursadaas waxbarasho la siindoonaa inta codsigooda la aqbalo.

Jaamacadda Benadir, waxay xiririndoontaa waxbarsaha ka socota Somalia iyo Jaamacadda Karolinski, sidaas oo kale ayaa jaamacadaha Makarere iyo Kinsasa ay xiriiyiyaal uga noqondoonaan wadamadooda.

Qabashada Codsiga waxaa ay ku egtahay 10-ka bish July, ha yeeshee, maadaama ay aad u yartahay tiradaa la rabo, waxaa mudnaanta la siinayaa codsiyada sida ay u kala horeeyaan, waana lagu kaaftoomo inta hore u soo gudbisa haddii ay buuxiyaan shuruudaha.

Faahfaahin intaa ka badan iyo foomkii codsiga waa sida link-yada hoose ee luqadda Engiriika ah ama ku lifaaqan. Wixii faahfaahin dheeraad ah fadlan kala soo xiriira masuuliinta kala ah

Mr. Hassan Nur (Kaafi): 061-6518980

Mr Mohamed Ahmed Alasow: 061-5925640

NEWS:

https://news.ki.se/karolinska-institutet-is-awarded-funding-from-the-swedish-institute-to-implement-training

PAGE:

https://education.ki.se/managing-innovation-for-sustainable-health-training-programme-for-professionals-in-drc-somalia-and

LINK TO APPLICATION ONLINE FORM

https://survey.ki.se/Survey/21209?_ga=2.148982262.1743309039.1592556182-2057540463.1578329887

Best Regards