Guddoomiyaha Ururka Jaamacadaha Afrika (AAU) oo booqasho ku yimid xarunta jaamacadda Benadir.

Guddoomiyaha Ururka Jaamacadaha Afrika (AAU) Prof. Dr. Bakri Cusmaan Saciid iyo Wafdi oo hogaaminayo ayaa maanta booqasho ku yimid xarunta jaamacadda Benaadir ee magaalada Muqdisho isaga oo kulamo la qaatay guddoomiyaha iyo kuxigeenka jaamacadda.

Guddoomiye Bakri ayaa kormeeray qaar kamid ah kulliyadaha jaamcadda isaga oo u kuurgalay nidaamka waxbarasho ee jaamacadda iyo horumarrada ay muddooyinkii dambe ka sameysay dhanka tayada waxbarashada.

Jaamacadda Benaadir oo xubin firfircoon ka ah Midowga Jaamacadaha Afrika kana mid ah jaamacadaha ugu faca wayn dalka ayaa wafdiga guddoonsiisay billad sharafeed ay ku qaddarineyso kaalinta uu midowgu ka geystay taageerada jaamacadaha dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

19 + 1 =