Gudoomiyaha Jaamacadda Benadir Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Xassan (Biday) Gudoomiye kuxigeenada Jaamacadda, dhammaan Hormuudyada Kuliyadaha, Maamulka, Macalimiinta, Shaqaalaha iyo Ardayda Jaamacadda Benadir, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ehelada iyo qoyskii ay ka baxday Marxuumad (Marian Mohamed Hirsi )oo saakay ku geeriyootay Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho, ayadoo u geeriyootay dhaawac kasoo gaaray rasaas ay fureen askar hubeysan oo laamiga isgooska Foleransa marayay taariikhda marka aheyd 11-12-2021 habeennimo Axad soogaleyso ayada oo katimd isbitaalka Aadan Abdulle Hospital halkaas oo ku mareysay internaship.
Marian waxa ay kamid aheyd Ardayda Kulliyadda Caafimaadka iyo Qaliinka ayadoona ku jirtay sanadkeedii ugu dambeeyay ee waxbarashadda .
Waxaan ALLE uga baryeynaa inuu janadii Fardowsa aheyd ka waraabiyo, eheladii iyo qaraabadii ay ka baxday samir iyo iimaan ka siiyo.
INAA LILAAHI WA INAA ILLEYHI RAAJICUUN!