Jaamacadda Benadir iyo dhigeeda Jaamacadda Ondokuz Mayıs ee dalka …

Benadir University > Uncategorized > University News > Jaamacadda Benadir iyo dhigeeda Jaamacadda Ondokuz Mayıs ee dalka …

Jaamacadda Benadir iyo dhigeeda Ondokuz Mayıs Üniversitesi ee dalka (Turkey) ayaa isla gaaray Heshiis isfaham ka dib wadahadal khadka fogaan arraga (Zoom) ku dhexmaray Mas’uuliyiinta sare ee labada Jaamacadood.
Wadahadalkan Waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Jaamacadda Benadir Prof. Maxamed Max’uud Xassan (Biday) iyo dhigiisa Jaamacadda Ondokuz Mayıs ee dalka Turkiga Prof. Dr. Yavuz Ünal iyo sidoo kale xubno kale oo labada Jaamacadood ka kala socday.

Qodobada laga wada hadlay ayaa waxaa ka mid ah xoojinta xiriirka iskaashiga dhinaca Waxbarashada ee ka dhexeeya labada Jaamacadood, iyagoo ugu dambeyn gaaray heshiis isfaham oo dhigaya in labada Jaamacadood ay iska kaashadaan horumarinta dhinacyada tacliinta sare iyo isdhaafsiga khibradaha iyo Cilmi baarista ee afar kuliyadood oo kala ah:- Caafimaadka, Xanaanada Xoolaha, Beeraha iyo Culuunta Kombiyuutarka.

Waxaa la isla gartay iney si rasmi ah heshiiskan u saxiixaan mas’uuliyiinta labada Jaamacadood oo dhowaan kulan toos ah yeelan doona, iyadoo Guddoomiyaha Jaamacadda Benadir Prof. Maxamed Max’uud Xassan (Biday) uu muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay heshiiska ay gaareen labada Jaamacadood oo uu xusay inuu yahay mid wax ku ool ah oo faa’iidooyin laga dhaxli doono.

Dhinaca kale, isla kulankaas Jaamacadda Benadir ayaa waxaa lagu casuumay iney ka qeyb gasho bandhiga TEKNOFEST oo ah bandhiga ugu weyn dhinaca Teknolojiyada oo dhowaan lagu qabanayo Jaamacadda Ondokuz Mayıs ee dalka Turkiga, iyadoo Maamulka Jaamacada Benadir uu aqbalay casuumaada ka qeyb galka bandhigaas.

 

 

Leave a Reply

five × one =