OGEYSIIS DEEQ WAXBARASHO EE KULLIYADDA SHAREECADDA IYO QAANUUNKA

Benadir University > Uncategorized > University News > OGEYSIIS DEEQ WAXBARASHO EE KULLIYADDA SHAREECADDA IYO QAANUUNKA

OGEYSIIS DEEQ WAXBARASHO

Kulliyadda Sharia and Law ee Jaamacadda Benadir waxa ay ogeysiineysaa bulshada soomaaliyeed ee jecel barashadda Kulliyadda shareecadda in Kulliyadda idin heyso deeq waxbarasho.

Shuruudaha qofka soo dalbanay deeqda wax barasho waxaa  laga rabaa :

  • In uu heysto shahaado dugsi sare ama shahaado machad la ga aqoonsanyahay wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare.
  • In uu dhameystirto mudada daraasada oo ah 4 sano.
  • In uu diyaar uyahay dhigashada daraadasa full-time galabkii 1:00 duhurnimo wixii kadambeeya .
  • In la helo damiino maal dib kaga dhiiba qarashaadka hadii uu meel dhaxe kaga tago daraasada.
  • In uu ilaaliyo dhamaan xeerarka & nidaamka u degsan Jaamacadda.
  • In uu ka gudbo imtixaanka qabuulka jaamacadda.
  • In uu iska bixiyo $100 (boqal doolar ) semesterkii oo ah diiwaan galinta iyo aqoonsiga Aradayga .
  • In uu iska bixin doono kharasaadka thesiska , xafladda qalin jebinta, iyo shahaadadda shahaadadda iyo  Transcript.

FG: Sida loosoo kala hormaro ayaa  loo kala helayaa xaqa  deeqdaan waxbarasho maadaama ay koobantahay .

Kala  xiriir wixii faahfaahin ah Telphonada kala ha:

+2526-1-5982061 am 2526-1- 5839898

MAHADSANIDIIN

Leave a Reply

2 × 2 =