Saadasha Soomaliya

Celcelis ahaan cimilada sanadka

Hordhac

Cimiladu waa shuruudo ka timaadda isdhexgalka qoyaanka hawada qulqulaya, badda iyo qaaradaha sida dhulku u wareego oo uu helo shucaaca qoraxda.

Iyado midaa jirta ayaa jaamacada benadir waxay isku xilqantay in daraasad(cilmi baaris) lagu samaynayo cimilada soomaliya

Barnaamijyada ay daraasadka kusamayso jaamacada Benadir waxaa ka mid ah

  1. Dabaylaha
  2. Xowliga dabeysha
  3. Jihada ay ka imanayso dabaysha
  4. Roobabka
  5. Xowliga boobka uu kusocdo
  6. Dhumucda roobka
  7. Jihada uu ka imanayo
  8. Fatahadaha iyo saamayntisa
  9. In la helo xiliga uu bilan karo fatahaada
  10. Xooga fatahadahaas
  11. Xog aruurin sanadihii laso dhaafay
  12. Saadaalin lagu samaynayayo waxyaba soo socda
  13. Isbadalka cimilada

Hadaba mashruucani waa mashruuc aad u qiima badan kaas oo aan uga faa;idaysan karno.

  • Tababar dhanka ardayda 
  • Xog siin idaacadaha maxaliga iyo talafashinada ka howl gala soomaliya
  • Xogsiin beeralayda soomaliyeed
  • Xogsiin hay,adaha ku shaqeeya cimilada
  • Xogsiin wasarada beeraha iyo daaqa

Hadaba Mashruucani wuxuu soomaliyo idil kayaala hal xarun  oo ah xarunta jaamacada benadir km13 Dr shahiid kambas

Habka uu u shaqaynayo BU meteorology Center

Tan iyo markii aan hawada galinay meteorology waxa inoo suura gashay inaan xogag fara badan ka samaynay BU meteorology center in muda ahna ay si wacan inoogu shaqaynaysay xogaha aan ka qabanay ayaa isugu jiray xog aruurin

Cimilada somaliya

Soomaaliya waxay leedahay cimilo u dhaxeysa yara-oomane iyo oomane. Muuqaallada ugu muhiimsan cimilada jirta waa xilliyo qoyan iyo kuwa engegan iyo jiritaan la’aanta wax weyn oo isbedel heerkul xilliyeed ah. Roobku waa waxa ugu muhiisan jawiga (meteorological) oo saameeya nolosha gudaha Soomaaliya. Waa waxa qeexaya sifaalaha cimilada iyo kala duwanaansho weyn leh xag masaafad ollog iyo waqti. Isbedelka muuqda  xilli ka xilli iyo isbedellada jira isla xilliyada dhexdooda waa waxa dhaliya guulaha ama guldarrada waxqabadyada beereed.

Sannadku wuxuu u qeybsamaa afar xilli sida soo socota:

  • Jilaal: waa diirimaad, qoraxeed, iyo xilli engegan laga bilaabo Disembar ilaa bartamaha Maarso.
  • Gu’: Xilli roobaadka ugu muhiimsan oo ka bilowda bartamaha Maarso oo sii socda ilaa Juunyo.
  • Xagaa: waa qabow, engegan, yara daruureeya oo ka bilowda  Luulyo siina socda ilaa bartamaha Sebteembar; qaar ka mid ah goobo cimilo ee  jiidda xeebta koonfureed iyo gudaha Gobollaada Waqooy Galbeed waxay helaan qadar roobab macnaleh ah.

Deyr: xill roobaadka labaad,  oo ka bilawda Sebteembar ilaa Nofeembar.

Dabaylaha soomaliya
waxan kaloo xog ka qabanay dabaylaha soomaliya iyo isbadbadalkooda iyo jihada ay ka imanayaan. Dabaysha ayaa jawaab u ah kala-guurka waqooyiga iyo koonfurta ee dabaylaha . Waqooyiga, xawaaraha dabaysha iyo jihada dabaysha ayaa saameyn ku leh shaxanka kala duwan.

Xooga dabaysha

Xawaaraha dabaysha waa guud ahaan inta u dhexeysa 0.2-8.5m / s celcelis ahaan. Qiimuhu si kastaba ha ahaatee si weyn ayuu u kala duwan yahay sanadka gudihiisa iyo inta u dhaxaysa xilliyada. Hargeisa waxay leedahay qiimaha celceliska ugu sarreeya ee 17 m / s bishii Luulyo. Xawaaraha hoosta dabaysha qiimaha (0.2-4 m / s) ayaa lagu arkay inta badan qaybo ka mid ah koonfurta Soomaaliya marka laga reebo meelaha koonfurta Jubbada hoose (8-10 m / s).
 




Intasi waa xogta aan xarunta ka helnay inkastoy jiraan xogag kalo fara badan